Axmed Madoobe oo Ammar siiyay Wakiiladda Hay’addaha ka howlgala Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam oo ku sugan degmada Dhoobley ayaa la kulmay wakiilada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada maamulka Jubaland.

Kulankan waxaa diiradda lagu saarayey sidii hay’adaha ka howlagala guud ahaan Jubaland ay gacan oga geysan lahaayeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada Jubaland iyadoo oo la faray hay’adaha in Degmooyinka cusub ee Jubaland kusoo kordhay sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsiiyaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale u sheegay Wakiilada hay’adaha in muhiimada ugu weyn ee kulankiisa uu yahay sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa dhalinyarada wax ku baratay gudaha Jubaland marka ay timaado shaqaalaysiinta.

Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbiyey qorshayaal lagu caawin karo dadka kubarakacay gudaha deegaanada Jubaland. iyagoo sheegay in ay door weyn ay ka qaadan doonaan sidii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhalinyarada wax ku baratay deegaanada Jubaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -